War-murtiyeed: Ibo-furka bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa

Urrurka REDSEA CULTURAL FOUNDATION, taageerayaasha iyo iyo mutadawiiciinta kala gedisan ee ku hawlan qabashada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxay dadweyanaha deeggan Caasinmdda Hargeysa iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ugu bushaaraynayaan inuu furmayo, Jimcaha, 13 July 2012, bandhig sanadeedkii 5aad ee Bandhigga Buugaagta ee Caalmiga ah ee Hargeysa. Continue reading

Jadwalka qorshaha maalinlaha ah ee bandhigga buugaagta

Jimce,  13-ka July 2012

9.00 -10:45 Xafladda furitaanka: Goobta Guriga Shaqaalaha

Waxa lagu furi doonaa barnaamijka heesta calanka Somaliland iyo heestaWaddanigu waa…- SOCSA.

Muuqaallada ka soo ifaya ‘‘mustaqbalka’’ Somaliland

Fadhiga ugu horeeya ee barnaamijku waxay noqondoontaa hadal uu jeedin doono Wasiirka Dhaqanka Somaliland oo uu ku furi doono xafladda isaga oo ka hadli doona mawduucyo xidhiidh la leh mustaqbalka bulsha-weynta Somaliland. Continue reading

Ceerigaabo: Gunaanadkii safarka maktabadda wareegta & golihii caweyska

Ceerigaabo – Safarkii maktabadda wareegta iyo buugaagta geeddiga ah ee 2/7/2012 ka soo bilowday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa Jimcihii lagu soo gebogebeeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ka dib markii Kooxda RedSea Online iyo qaybihii kale ee ka qayb-galay ay soo mareen inta u dhaxaysa labadaas gobol. Continue reading