Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2014
Tartankii 7aad
Redsea Culture Foundation iyaga oo ka duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay maalin gaar ah u qoondeeyeen soo bandhigista go'aammada kulankii toddobaad ee ku baratanka sheeko curinta toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid."
Qiimaha sare ee sheekooyinka la soo baratansiiyey, tirada tartameyaasha ka soo qayb galay oo aad u korodhay iyo ku-talagalkii sannadkan ee ahaa dhiirrigelinta hablaha waxa qora awgood, guddiga qabanqaabada Sheeko iyo Shaahid 2014 waxa ay doorbideen in habeen-suugaaneed u gaar ah barmamijkan loo sameeyo oo laga dhex saaro Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.
Haddaba intii ka qaybgashay iyo inta jecel dhaqanka qoraalka iyo akhriskaba, waxa la idinku martiqadayaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, oo ku dhinaca koonfureed ka xigta Biriishka Maroodi Jeex ee Shacabka Hargeysa, maalinta Khamiista, 21/8/2014, 7:00 Fiidnimo.