All posts by Editor for 2016 HIBF

BANDHIGGA BUUGAAGTA CAALAMIGA AH EE HARGEYSA: 23-28 July 2016

                    WAR-SAXAAFADEED

Sidii caadada ahayd waxa loogu bushaaraynayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland iyo dhamaan dadka Soomaalida ah in uu bilaabmayo bandhig sannadeedkii 9aad ee Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa maalinta Sabtida ah, 23 July 2016 kaas oo socon doona muddo Lix maalmood ah kana furmaya Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa.

Sannad kasta Bandhigga Bugaagta Caalmiga ee Hargeysa wuxuu qaataa hal ku dheg ka jawaabaya babac-dhigyada Somaliland horyaalla. Hal-ku-dhegga sannadkan ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ahi waa ‘Hoggaaminta iyo Curinta’ oo ka turjumaysa in ay bulshadu wax ka barato nooca hoggaamineed ee loo baahan yahay iyo curinta fikrado siyaasadeed iyo qaar bulsheed oo horseed u noqon kara horumar, sinnaan iyo caddaalad kana turjuma hadafka guud ee ummadeed.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa waxa uu fursad siin doonaa in hal-abuuryaashu ay wax ka yidhaahdaan mustaqbalka bulshadooda. Qorayaasha, gabayaaga, culimada, suxufiyiinta iyo aqoonyahanka kele ee isaga kala yimid dhamaan daafaha dunidu waxa ay ka qaybgalayaasha la wadaagi doonaan hal-abuurkooda kala duwan oo isugu jira qoraallo, farshaxan, masraxiyado, miyuusig iyo fikir is waydaarsi. Madashu waxa ay cid walba fursad u siinaysaa dood-wadaag iyo is waydaarsiga aragtiyaha iyo fikradaha kala duwan.

Ka qaybgalayaashu waxa ay fursad u heli doonaan in ay la falgalaan lana kulmaan aqoonyahanno magic weyn ku leh dunida guud ahaan iyo Somaliland gaar ahaanba. Kuwaas oo inta bandhiggu socdo ay ka qaybgalayaashu wax ka waydiin karaan curisyadooda iyaga oo ka faa’idaysanaya khibraddooda iyo aqoontooda kal duwan.

Sidii dhaqanka bandhiggu ahaa, waxa doorkanna bandhigga inoo daadihinaya akhyaar isaga timid dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba isuguna jirta Soomaali iyo ajaanib ka kala yimid daafaha adduunka kuwaas oo hadafka keliya ee ay u imanayaan ay tahay in ay inagala qayb galaan bandhigga wax badanna ay inaga bartaan innaguna aynu wax ka baranno. Ka soo qayb-galayaashu waxa ay isugu jiraan qoraayo, hal-abuurro, aqoon-yahanno, mufakiriin iyo khubaro keleba.

Ballanteennu waa Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa, Maalinta Sabtida, 23 July, 8:30 Subaxnimo iyo Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:
Tel: 0633628220
Email: hibf@hargeysabookfair.com
http://www.hargeysabookfair.com/HIBF2016/
https://www.facebook.com/xarunta/
https://twitter.com/hibf

 

ALLAA MAHAD LEH

Hargeysa International Book Fair 2016: 23rd to the 28th July Guuleed Hotel

 

The 9th Hargeysa International Book Fair will open its doors at 8.30am on Saturday the 23rd of July 2016 and will run for six days. Our theme this year will be leadership. At this crucial time in our history, as we celebrate our Jubilee (25th) anniversary, we are defined by the quality of our leadership, as much as we, as a society, develop the leaders in our community. The relationship between leaders and the community they serve, is one that transcends time, space and fields of work. Using art, culture, and creativity, can we imagine a more transparent, value-based leaders-community relationship that can make our aspirations more concrete, and less emotional?

The principles of leadership, the image and expectations we have of our leaders and the courage and ability that makes a good leader will be discussed with local and international artists, writers, playwrights, musicians, and scholars. Globally, there are many examples of bad leadership, the consequences of which we have seen recently, particularly in Africa and the Middle East. Can arts and culture offer us an opportunity not only to imagine a different future, but also to articulate new ideals and ideas of good leadership? Alongside artists from Ghana—our guest country this year—we will explore different forms of leadership, political, social, religious, and entrepreneurial, unravelling past and present forms of leadership as well as our hopes for future leaders.

In this year’s program, we are pleased to have a diverse set of speakers who will reflect on their own leadership, and the qualities of good leadership in other inspirational Somalis. We are honoured to have with us, for the first time Dr. Hussein Mohamed Adam, a highly reputed Somali scholar and one of the principal founding members of Somali Studies. We will spend time considering the life and works of Musa I Galaal, another Somali literary champion whose role in the preservation and promotion of Somali literature and culture is recognised worldwide. Sheikh Adam Siiro will reflect on the leadership of Sheekh Ibraahin Sh. Ali Sh. Madar, one of the most respected elders of Somaliland, a judicious mediator at times of conflict, the first Speaker of the House of Elders (Golaha Guurtida) – one of the main pillars on which Somaliland’s democracy and future progress depends. We are delighted to welcome insight on the concept of leadership from Dr. Edna Adan, a most caring doctor, social reformer, astute politician, long-time supporter of HIBF, and brilliant advocate for Somaliland’s cause in the international arena.

Please follow the links below for the schedule for each day:

Day One – Saturday 23rd July 2016

Day Two – Sunday 24th July 2016

Day three – Monday 25th July 2016

Day four – Tuesday 26th July 2016

Day Five – Wednesday 27th July 2016

Day six – Thursday 28th July 2016